Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Axmed Macalin Fiqi Axmed, ayaa u ambabaxay magaalada New York ee dalka Mareykanka, isagoo hogaaminaya wafdiga Soomaaliya uga qeyb galaya shirka 78-aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay. Kalfadhigan oo la qorsheeyay in la qabto 6-da bisha June ayaa waxaa ka mid ah doorashada xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Soomaaliya ayaa ah dalka kaliya ee u sharaxan kursiga loo qoondeeyay gobolka Bariga Afrika, waxaa lagu wadaa in muddo labo sano ah uu ku ekaado golaha ammaanka laga bilaabo Janaayo 1, 2025 ilaa 31 December 2026, iyadoo la raacayo qaab dhismeedka wareega ee kooxda Afrika waxaana si rasmi ah loogu ansixiyay Kalfadhiga 44-aad ee Caadiga ah ee Golaha Sare ee Midowga Afrika (AU) Febraayo 2024.
Ku dhowaaqista musharaxnimada Soomaaliya ayaa soo bilaabatay sanadka 2018, taasoo ka tarjumeysa dadaalka dheer ee ay Soomaaliya ugu jirto diblomaasiyadda iyo nabad ilaalinta caalamiga ah. Soomaaliya oo xornimada qaadatay kuna biirtay Qarammada Midoobay 1960-kii, waxay hore u fadhiisan jirtay golaha ammaanka intii u dhaxaysay 1971-1972, halkaas oo ay si firfircoon uga qayb qaadatay doodaha iyo go’aannada nabadda iyo ammaanka adduunka.
Qoraal kooban oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa lagu sheegay in ka qeyb galka Wasiir Axmed Macallin Fiqi Axmed iyo wafdigiisa ee Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ay muujineyso sida ay Soomaaliya ugu heelan tahay la macaamilka Hay’adaha Caalamiga ah iyo kor u qaadista doorka ay ku leedahay Dowladnimada Caalamka.
Laga bilaabo Janaayo 1, 2025, Soomaaliya waxay ku biiri doontaa xubnaha kale ee aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee dhawaan la doortay, iyadoo door muhiim ah ka qaadaneysa wax ka qabashada qaar ka mid ah caqabadaha amni ee ugu daran ee adduunka. Muddadani waxay Soomaaliya u noqon doontaa fursad muhiim ah oo saamayn ku yeelan doonta dadaallada nabad ilaalinta caalamiga ah iyo u doodista danaha Bariga Afrika iyo guud ahaan qaaradda Afrika.
Kalfadhiga 78-aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa ah gogol muhiim u ah Soomaaliya si ay dib ugu xaqiijiso ka go’anaanshaha dhinacyada badan leh iyo diblumaasiyadda iskaashiga ah.
HBN NEWS DESK