Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha oo booqanaya Soomaaliya iyo dalal kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, Wang Yi, ayaa booqasho ku tagi doona dalalka kala ah Soomaaliya, ,Itoobiya, Tanzania, iyo Lesotho, ka dib markii casuumaad loo fidiyay laga bilaabo manta oo ah 7-da Janaayo ilaa 12-ka, sida uu Arbacadii ku dhawaaqay afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Shiinaha.

Afrika waxay ahayd meesha ay u socdaalaan wasiirrada arrimaha dibadda ee Shiinaha muddo 36 sano oo xiriir ah.

Wang, oo sidoo kale ah xubin ka tirsan Xafiiska Siyaasadda ee Guddiga Dhexe ee Xisbiga Shuuciga ee Shiinaha, ayaa ka qeyb geli doona xafladda furitaanka ee Sannadka ee xirriirka Shiinaha iyo Afrika ee xarunta Ururka Midowga Afrika, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed