Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa tilmaamay in la gaaray tiirkii ugu horeeyay, kaasoo ahaa adkeynta iyo sugiddiisa.
Fartaag ayaa sheegay in adkeynta amniga ay ku timid dadaal iyo wadashaqeyn xooggan, sidaasi darteed waxa uu soo jeediyay in la kordhiyo isku xirka howlgallada kala duwan ee lagu xoojinayo amniga iyo xasiloonida dalka.
Mid ka mid ah tiirarkii ugu muhiimsanaa ee dhidibada loo taagay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud labo sano ka hor ayaa ahayd ahmiyadda koowaad ee amniga, waadna ogtihiin sida uu amnigu u soo hagaagay” ayuu yiri Wasiirka Amniga Gudaha C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.
Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ay xoogga saari doonaan sidii loo heli lahaa xasillooni amni iyo mid siyaasadeed inta lagu guda jiro doorashada, waxaana uu isbedel muuqda ku sameeyay laamaha ammaanka, inkastoo uu muddooyinkii dambe ka gaabiyay dagaalkii Al shabaab oo kamid ahay qodobadii hortabinta u lahaa.
Ciidamada Nabad Suggida Dowladda Federaalka Soomaaliya oo isugu jira Boolis, Nabad Sugid iyo Boolis u tababaran sida Ciidamada Militariga, ayaa sameeyay baro kala duwan oo lagu baaro gaadiidka iyo dadka la socda ee ku sugan xaafadaha iyo wadooyinka Magaalada Muqdisho, si loo xaqiijiyo ammaanka caasimadda iyo deegaannada ku xeeran.
Saraakiisha ammaanka dowladda Federaalka ayaa tilmaamay in howlgalladan ay wax badan ka bedeleen ammaanka caasimadda iyo deegaannada ku yaalla duleedka Muqdisho oo ay ciidamadu si joogto ah uga howlgalaan.
HBN NEWS DESK