Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa magaalada Ankara kulan kula yeeshay dhiggiisa Turkiga Yaşar Güler, Waxaana ay ka wada hadleen sii xoojinta iskaashiga dhinaca amniga ee labada dal, iyada oo dowladda Soomaaliya ay dooneyso kaalmo dheeraad ah oo ku aadan dhanka difaaca.
Turkiga oo ah saaxiibka ugu dhow Soomaaliya ayaa ka ganacsiiyey dhismaha Ciidmada iyo kaabayaasha kale ee noloshe, waxaana Xukuumadda Ankara ay Soomaaliya la gashay heshiisyo kala duwan oo uu ugu weyn yahay sahminta Shidaalka oo dhawaan dalka laga bilabi doono.
Soomaaliya ayaa dadaal ku bixineysa sidii ay u xooji laheyd xiriirka kala dhexeeya wadamada caalamka, iyada oo bishaan bartamaheeda lagu wado in kulan ka dhaco magaalada Ankara, kaasi oo lagu dhexdhexaadinayo dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.
HBN ONLINE TV

