Wasiiradda Cadaaladda Soomaaliya oo sheegtasy in shacabka Muqdisho soo doora doonaan cid xilka gobolka qaban doonta

Wasiirka Wasaaradda Caddaalada iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya Xasan Macalin oo ka hadlayey maqaamka magaalada Muqdisho ayaa sheegay in shacabka nool ay heli doonaan xaquuqdooda ah doorasho qof iyo cod ah ee cida ku matali doonta gobolka Banaadir.

Waxaa uu carrabaabay in qorsha doorashooyinka soo scoda ay ku jirto in dadka ku nooli Muqdisho xaq u heli doonaan in ay soo doortaan guddoomiyaha gobolka iyo golaha deegaanka, taasi oo qeyb ka ah qorshaha dowladda.

Sida waxaa uu tilmaamay in intaasi u dheer tahay in howlaha doorashada iyo maqaamka gobolka uu noqon doono mid hoos ka imaan doona sida degmooyinka iyo golaha deegaanka.

Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya ayaa sheegay in arimaha doorashooyinka ee gobolka Banaadir ay ku rajo weynyihiin, haddii ay yihiin wasaaradda calaaladda in la bilaabo sanadka soo socda ee 2025.

Xasan Maclin ayaa hadalkiisa ku daray in ay muhiim tahay in dalka la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah, shacabkana loo celiyo awoodda, si cidda hoggaamineyso ay iyaga u soo doortaan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed