Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa dhaliilay siyaasiyiinta diidan in ay dhici karto “Doorasho Qof iyo Cod ah”, si looga gudbo doorashooyinkii dadbanaa ee isla dowladdaan hadda shaqeysa lagu soo doortay.
Fiqi ayaa sheegay in uu la yaabo, marka uu arko Shirweyne Xisbi oo hoggaanka xisbigaas sheegayo in aanay rabin sida uu hadalka u dhigay Doorasho Dadweyne, waxa uu xubnahaas ugu baaqay in ay raadsadaan Xisbiyada daneynaya Doorasho Qof iyo Cod ah.
“Waxaad arkaysaa Munaasabad ay ugu magac dareen shirweyne Xisbi, waxaana wada xaadir ah madaxda iyo xubnaha xisbiga, waxaadna la yaabaysaa nin sheeganaya hogaamiyaha xisbiga oo ka soo qeybgalayaashii ugu sheekaynaya doorasho qof iyo cod ah ma rabno.” ayuu yiri wasir Fiqi.
Sidoo kale, waxaa uu hadalkiisa sii raaciyay “Muwaadiniinta Xisbiyadaas doorasho diidka ah ka tirsan, waxaa loogu baaqayaa in ay ku biiraan, xubno firfircoon iyo Madax ka noqdaan xisbiyada oggol doorashada ama in ay ayagu aasaastaan xisbiyo aysan cidna marti uga ahayn!”.
Fiqi oo dalbaday in la kala saaro magaca Xisbi iyo NGO (Urur aan dowli aheyn), ayaa yiri “Magac xisbi, shaqo NGO la iskuma wadi karo.”
Dhanka kale, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo dhaliil adag dusha u saaray dowladda ayaa soo jeediyey in kalsoonida lagala laabto sida uu qabo Xukuumadda Soomaaliya, lana soo dhiso mid cusub sanadka u haray DFS, halka lagu heshiinayo awooda saami qeybsida ee dalka.
“Si looga hortago burbur buuxa, waxaa muhiim ah in Baarlamaanka uu tallaabo qaado oo kalsoonida kala noqdo xukuumadda. Ra’iisulwasaare cusubna uu sanadka harsan joojiyo barakicinta, baadda iyo boobka dhulka dowladda, lana xaajoodo mucaaradka iyo maamul goboleedyada, si loogu heshiiyo doorasho isku dhaf ah oo ku dhisan nidaamka awood qaybsiga 4.5 iyo codbixin toos ah”.
Dowladda Soomaaliya iyo xubnaha mucaaradka ah ayaa isku khilaafsan habka loo qabanayo doorashada soo socota oo DFS ay ku adkeysanayso inay noqoto mid qof iyo cod ah, halka Mucaaradka ay dalbayaan in laga wada-hadlo qaabka doorashada loo qaban, iyagoo ka dhawaajiyey inay diidan yihiin qaabka ay wax wado dowladda.
HBN ONLINE TV