Wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo is casilay- Maxay tahay sababtu?

Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug) oo ahaa wasiiru-dowlihii wasaaradda gaadiidka iyo duulista Hawada ayaa xalay ku dhawaaqay inuu iska casilay shaqada, sida uu ku sheegay bayaan uu soo saaray.

Caana-nuug oo sidoo kale ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlaamanka Soomaaliya ayaa sabab uga dhigay is-casilaadiisa sida hadalka uu u dhigay cabasho uga timid shaqaalaha & qandaraaslayaal dacdwo ka ah Wasiirka Wasaaradda Fardowsa Cismaan Cigaal oo ku eedaynaya ku takrifal awoodeed.

“Hadaba markaan arkay in si joogta ah shaqaale waajibaadkooda gudanaya ay u eyrisay, xilkana ugu qaaday si aan sharciga dalka waafaqsanayn mas’uuliyiin ka tirsanWasaaradda iyo Hay’adaba hoos yimaada si ay ugu bedelato dad aan ku haboonayn laguna soo xushay dano gaar ah, Kaddib markii ay i soo gaartay cabashooyin joogto ah, oo shirkado iyo qandaraasleyaal bixiya adeegga garoonka Aadan Cadde, oo haysta ruqasado sharci ah oo soo maray habraaca sharci ee dalka, kuwa Wasaaradda u deggan iyo wax ka qabasha la’aanta Ra’isalwasaaraha dhammaan eedaha kor ku xusan, waxaan go’aansay in maanta laga billaabo aan caddeynayo inaan iska casilay xilkii Wasiir-dowlaha Wasaaradda Gaadiid iyo duulista Hawada” ayuu ku yiri qoraalkiisa is-casilaadda.

Ma jiro wax war ah ama jawaab ah oo ka soo baxay Wasiirka
la eedeeyay ama masuul kale oo ka tirsan Wasaaradda.

HBN News Desk

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed