Wasiir ka tirsan xukuumadda Netanyahu oo sheegay inay diyaar u yihiin dagaal ay ku qaadaan Gaza

Wasiirka Maaliyadda Israa’iil, Bezalel Smotrich, ayaa sheegay in ciidanka Israa’iil ay u diyaar garoobayaan inay qabsadaan marinka Gaza ee go’doonsan, iyaga oo uu hoggaaminayo Taliyaha Cusub ee Ciidamada, Eyal Zamir, ayna iska kaashanayaan qabsashadaas xukuumadda Madaxweyne Donald Trump ee Mareykanka.

Smotrich ayaa u digay kooxda iska caabbinta Falastiiniyiinta ee Xamaas, isaga oo xusay in dagaalyahannadoodu ay si fiican u garanayaan in waqtigooda ka talinta dhulka uu ku kooban yahay ilaa Israa’iil ay dagaalka dib ugu soo laabato si buuxda oo dhaqso leh, isla markaana ay leeyihiin awood weyn ah oo lagu jabinayo laguna baabi’inayo kooxda Xamaas waa sida uu hadalka u dhigay.

“Waqtiga aan go’aansano in dagaalku dib u bilaabmo, waxaad la yaabi doontaan midnimada, xoogga, iyo saxnaanta dagaalka ah ee qabsashadeena Gaza,” ayuu sii raaciyay.

Wasiirka Maaliyada Israa’iil ayaa tilmaamay in ciidanka Israa’iil ay diyaargarow ku jiraan iyaga oo uu hoggaaminayo Taliye Zamir, kaas oo xilka la wareegi doona toddobaadka ugu horreeya ee bisha inagu soo aadan ee Maarso, iyada oo ay garab ka helayaan xukuumadda Trump, taas oo “ugu dambayn si cad u sheegaysa in Xamaas laga tirtiro joogitaankooda dhulka Qaza.” Ayuu ku soo gaban-gabeeyay hadalkiisa.

Laakiin dadka arrimaha gobolka ka faalooda ayaa su’aalo galinaya waxa Israa’iil ay ku guulaysan wayday inay ku gaarto 15 bilood oo dagaal ah in hadda ka dib ku gaari karto, iyadoo khasaare balaaran uu soo gaaray ciidankeeda iyo qalabka dagaalka isla markaana ay niyad ahaan ciidanku aad u liitaan.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed