Wasiirka Difaaca Soomaaliya iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) oo maanta hortagay Golaha Aqalka Sare ayaa jeediyay warbixinno dhameystiran oo ku saabsan xaaladda amniga ee dalka, duqeymaha cirka iyo howlgalada ka dhanka ah kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.
Axmed Macallin Fiqi Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegay in sannadkan 2025 la fuliyay in ka badan 220 duqeyn cirka ah, kuwaas oo ka dhacay inta u dhexeysa gobollada Jubbada Hoose, Bariga Mudug, Buuraha Sanaag iyo Gobolka Bari, kuwaas oo khasaare culus lagu gaarsiiyay kooxaha Alshabaab iyo Daacish.
Fiqi ayaa sheegay in duqeymahan lagu dilay 868 xubnood oo ka tirsan Alshabaab, oo ay ku jiraan 52 horjooge oo sare, isagoo tilmaamay in sannadkan uu ahaa mid guulo la taaban karo laga gaaray dagaalka ka dhanka ah wuxuu ugu yeeray “Khawaarijta” oo dowladdu ugu yeero Alshabaab. Wuxuu tilmaamay in labadii sano ee la soo dhaafay xubnaha la dilay uu sanadkan ka badan yahay. “Khawaarijta hadda waxay sugan yihiin xaalad adag, awooddoodii waa la wiiqay,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa ka hadlay diyaarado ka duula Garoonka Boosaaso, isagoo sheegay in ay dad u qaadaan Suudaan, kuwaas oo uu ku tilmaamay duulaan calooshood u shaqeystayaal ah oo loo adeegsado dagaallo iyo xasuuqyo shacabka Suudaan.
“Garoonka Boosaaso diyaaradihii ka baxayay iyo qaar kale oo Suudaan kala joogsi la’ ah ma qarineyno — dadkaas waa duulaan socda, calooshood u shaqeystayaal ayaa la daabulayaa, xasuuq ayaa loo geysanayaa shacabka,” ayuu yiri Wasiirka.
Wasiir Fiqi, oo ka hadlay arinta Ciidanka PSF ayaa si cad sheegay inay hadda si rasmi ah ugu biireen Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, isla markaana ay yihiin ciidan dowladdu si toos ah mushaar u siiso, ayna ku jiraan diiwaanka ciidamada qaranka.
“Ciidamada PSF ciidamada qaranka ayey ku biireen. Dowladdu ayaa mushaar siisaa, waana Ciidan dowladdu ku xisaabtameyso, shaqa qaran qabanaya” ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Isagoo ka hadlayay joogitaanka ciidamada shisheeye ee Soomaaliya, Wasiirku wuxuu sheegay in inta ay ciidamada dalalka dariska ah joogaan Soomaaliya, ay adkaan doonto in dalka si buuxda u ammaan noqdo. “inta dowladaha dariska ah ciidamadooda dalka joogaan, dalkeena inuu amni noqdo way adkaanaysaa” ayuu yiri markale Wasiir Fiqi.
Dhankiisa, Taliyaha CXDS, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, ayaa faahfaahiyay qorshaha dib-u-habeynta ciidamada, isagoo sheegay in howlgaladii “Kaaha Waaberi” iyo “Ileys” ee socday intii u dhaxaysay 2022–2025 ay si weyn u wiiqeen awooddii Alshabaab meelo badan oo dalka ah.
Taliyaha ayaa xusay in la soo gabagabeynayo nidaamka diiwaangelinta iyo kala saaridda ciidamada, si loo helo xog mideysan oo ku saabsan askarta ku jirta heeganka, kuwa dhaawacmay iyo kuwa dhintay.
Odowaa ayaa sidoo kale tilmaamay in miisaaniyadda ciidanku aysan weli lahayn qayb gaar ah oo caafimaadka askarta, taas oo uu ku sheegay arrin muhiim ah oo aan weli xal loo helin.
“Ciidanku waxa uu leeyahay mushaar iyo raashin shaqsi ah, laakiin agabka iyo saadka shaqada lagu qabto aad buu u yar yahay,” ayuu yiri Taliyaha CXDS.
Taliyaha ayaa si gaar ah ugu ammaanay ciidamada Puntland, isagoo sheegay inay guulo muuqda ka gaareen dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka howlgasha gobolka Bari, iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah.
Labada masuul ayaa ka gaabsaday faahfaahinta howlaha qarsoodiga ah ee socda, iyagoo tilmaamay in aanay habboonayn in bulshada lala wadaago, balse ay yihiin howlgalyo culus oo qiimo weyn u leh dalka, ayna soo hoyn doonaan natiijooyin guul leh.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in sii waddo qorshayaasha lagu xoojinayo awoodda ciidamada qaranka iyo dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha loogu yeero argagixisada, inkastoo ay weli jiraan caqabado dhinaca saadka iyo miisaaniyadda ah.
HBN ONLINE TV

