Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige oo maanta hortagay xildhibannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay cabashada ganacsatada ee la xiriiirta cashuurta Iibka iyo dooda ku aadan arimaha casnhuuraha ee Dowladda soo kordhisay.
Wasiirka ayaa sheegay in ay ganacsatada guddi ka socday ay la kulmeen, isaga oo ka dhawaajiyay in aysan jirin ganacsato diidan cashuurta, sida oo kalana waxa uu sheegay in ay ganacsatada bixiyaan cashuurta.
“Ganacsatada cashuur ma diidana ee waa ogol yihiin, waana bixiyaan, doodna kama qabaan, laakiin ganacsatada waxa ay sheegteen culeyso kale oo ka baxsan cashuurta, oo ay mudan yihiin in laga garaabo lagana xalliyo”. Ayuu yiri, Wasiir Biixi Iimaan.
Hadalka wasiirka ayaa ku soo aadayo xilli, labadii maalin u dambeysay ay qaar kamid ah ganacsada xireeen goobahooda ganacsi ee ku yaalla magaalada Muqdisho.
HBN ONLINE TV

