Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqadir oo maanta kaga qeyb galay Muqdisho barnaamij gaar ah oo lagu xusay maalinta Macalinka Adduunka ayaa sheegay in xil ay iyo masuuliyad ay iska saartay tayeynta Macalimiinta Qaranka dowladda Soomaaliya.
Wasiir Faarax oo soo bandhigay qorshaha wasaaradda ee talaabooyinka ay soo wado ayaa sheegay in uu socdo qorshe lagu diwaan galinayo Macalimiinta dugsiyada gaarka ah oo sida uu hadalka u dhigay tababar loo sameyn doono, kaasi oo aanay wax qarash ah kaga bixi doonin.
Iyada oo dhaleeceyno adag wajaheyso Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ayuu carabka ku adkeeyey Faarax Sheekh in masuulyiin deegaannada iyo mamaulada ay ku tala galaan kobaca bulshada ee ah in la sameeyo goobo waxbarasho.
Maanta oo Dunida laga xusayo maalinta Macalimiinta ayaa Soomaaliya waxaa ka kala dhacay mid taasi cagsigeeda ah, waxaana Muqdisho isugu soo baxay tobanaan macaliimiin cabasho ka ahaa maamulka iyo wasaaradd Waxbarasha XFS, iyaga oo tilmaamay in maanta ay u tahay sida hadalka u dhigeen “maalin Madow”, ayna xaquuq kaga maqan tahay.
Dowladdu weli wax jawaab ah kama soo bixin oo ku aadan qaabka xalinta cabashada macalimiintan oo sheegay in dowladda ay u shaqeeyaan, kuwaa oo carrabababay in xirfadooda la laalay.
HBN ONLINE TV