Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare XFS oo maanta shaacisay natiijada ka soo baxday Imtixaanka Shahaadiga ah ee sanad tacliimeedka 2023-2024 ayaa sheegtay in ay ka qaaday 36,035 oo Arday.
Imtixaanka ay shaacisay wasaaradda Waxbarashada ayaa waxaa ku baasay 33,130 oo Arday, halka ay ku dhaceen 2,905 Arday sida lagu sheegay Warka ay sii daysay, iyada waxyaabaha keenay dhicitaanka Ardayda lagu sheegay in qaarkood lagu qabtay qish intii lagu guda jiray Imtixaanka maalmihii uu socday.
sidaa awgeedna la baabi’iyay natiijadooda sida lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya, sida uu Saciid Cawaale oo shaaciyay Natiijada Imtixaanka Fasalka 12aad uu u sheegay warbaahinta.
Maadooyinka ugu badan ee la baabi’iyay natiijadooda waxa ay kala yihiin, Carabiga oo laga baabi’iyay 443 Arday iyo Fiisigis oo laga baabi’iyay 435 Arday, halka maadooyinka Juqaraafiga, Taariikhda iyo Xisaabta iyagana Arday kale laga baabi’iyay, taasi oo Wasaaradda Waxbarashada ku sheegtay in tallaabadaan ay tahay tii ugu horreysay ee Wasaaraddu qaado.
HBN ONLINE TV