Wasaaradda Waxabarashada Soomaaliya oo soo saartay xog ku aadan Natiijada imtixaanka

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa maanta soo gabagabeysay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare ee dalka oo sanad dugsiyeedkan 2024/2025, taasi oo sanadkan ay u fadhiisteen arday ku dhow 40-kun oo looga kala qaaday goobood oo ku kala yaalla Waqooyiga, bartamaha iyo koonfurta dalka.

Wasiirka Wasaaradda Faarax Cabdulqaadir oo warbaahinta la hadlay kadib marka ay soo xirmeen goobaha imtixaanku ka socday, ayaa ku ammaanay ardayda Soomaaliyeed dadaalkii iyo dulqaadkii ay muujiyeen muddadii uu socday imtixaanka. Wasiirku wuxuu xusay in inta badan ardaydu ay ka gudbeen imtixaanka, taas oo muujinaysa kororka tayada waxbarashada dalka.

“Waqti badan ma qaadan doonto in la soo bandhigo natiijada imtixaanka. Sida caadiga ah, ardayda badankood way baasaan. Haddii uu jiro arday dhaca, cabashaa u furan” ayuu yiri Wasiir Faarax.

Wasaaradda ayaa sidoo kale u sheegtay dhammaan ardayda dhamaysay dugsiga sare sanadkan in natiijadooda si degdeg ah loo shaacin doono, taas oo u sahli doonta inay si wanaagsan isugu diyaariyaan wejiga xiga ee waxbarashada, gaar ahaan tacliinta sare ee Jaamacadaha ee sanad dugsiyeedka 2025/2026.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed