Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa digniin adag u dirtay Ganacsatada diidan in koontooyinka Canshuurta lagu uruuriyo ee ay ku ganacsadaan si Dowladdu uga hesho Canshuurta boqolkiiba shan.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa sheegay in ay jiraan Ganacsato qaarkood sida hadalka uu u dhigay dadka ka qaaday Canshuurta balse aanay ku muujin iibkooda isla markaana koontada ka weeciyay si aysan Wasaaradda uga jaran Canshuurta.
Ganacsiyo uusan sheegin ayuu tilmaamay in lagu raad-joogo, kuwaas oo sida uu carrababaay sharci jebin ku sameeyay amarka ka soo baxay Wasaaradda Maaliyadda, lalana tiigsa doona sharciga.
“Qof kasta ama ganacsi kasta ee ka leexda isticmaalka koontooyinka canshuur aruurinta taallaabo sharci ah ayaan ka qaadi doonnaa, wakhtigii la rabay in dadka lagu baro waala soo gaaray, hadda ka dib wa bareer oo waa lala xisaabtamaa, Ganacsiyada qaar dadka way ka qaadaan kumana shubaan koontooyinka canshuurta.” Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Iimaan Cige.
Wasaaradda Maaliyadda ayaa Canshuurta lagu darayo Ganacsiga dhowaan ku soo rogtay Koontooyinka Ganacsiga si qofka wax iibsanaya looga qaado shan boqolkiiba (5%) oo ka dhigan in marka uu qofka wax ku iibsado $100 doollar ay Dowladdu ay ka qaadeyso lacag dhan $5 doollar.
HBN ONLINE TV