Dowladda Soomaaliya ayaa maalinta berri ah 18-ka bishan Agoosto fuli doonta qaaditaanka lacagta canshuurta danabeysan, iyada oo dhamaan ganacsatada dalka fartay in looga baahan yahay dhaqan galinta qaaditaanka canshuurta 5% ee badeecadaha iibka.
Awaamiirta cusub ee canshuuraha ayaa Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya XFS sheegtay in qeyb ka tahaay hindisaha ballaaran ee dowladda ku casriyeynayo nidaamka aruurinta canshuurta iibka iyo kor u qaadista dakhliga gudaha.
Sida ay sheegtay Wasaaraddu, tallaabadan ayaa muhiim u ah dadaalka Soomaaliya ay ugu jirto in ay gaarto isku filnaansho maaliyadeed iyo in la dhimo ku tiirsanaanta deeqaha dibadda ee dowladda lagu kabo.
Dakhliga laga soo ururiyo cashuurtan ayaa waraaddu ku tilmaantay in lagu maareyn doono adeegyada bulshada ee muhiimka ah, oo ay ku jiraan bixinta mushaharka shaqaalaha dawladda iyo ciidamada dalka.
Warqad ka soo baxday Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa Ganacsatada lagu faray in ay dhaqangeliyaan qaadistaan Canshuurta oo qofka wax ka iibsada dulsaaraan lacag dhan 5% oo u go’aysa Dowladda Federaalka.
Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Ganacsatada uga digtay in ay canshuur dhaaf u sameeyaan dadka Rukunkooda ah, haddii ay sidaasi dhacdana Canshuurtu ay ka go’I doonto lacagtooda ay wax ku iibiyeen.
Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale ayaa dood ka keenay go’aankaan Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ee ah in lacag dheeraad ah laga qaado Dadka wax iibsanaya, waxa ay ku sifeeyeen culeys kale oo lagu kordhiyay Bulshada.
Kulanka maanta ee golaha shacabka ayaa qaar ka mid ah mudanayaasha u gudbiyeen guddooka golaha warqad ay soo hor jeediyeen in go’an dib loo dhigo maadaama uu culeys badan uu ku yahay Bulshada oo mar weliba oo ay iib sameeyaan lacag canshuur ah oo gaaraysa boqolkii shan ay Dowladdu ku yeelaneyso.
Akhri xogta

HBN ONLINE TV

