Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa maanta shaacisay magacyada horjoogayaal sare oo ka tirsan kooxda Alshabaab kuwaas oo lagu dilay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Ceelhareeri ee gobolka Hiiraan, ka dib dagaal saacado soccday ayna qeyb ahaayeen duqeymo diyaaradeed.
Howlgalkan oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Hay’adda Sirdoonka NISA, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa lagu dilay in ka badan 40 xubnood oo ka tirsanaa kooxda, sida uu xaqiijiyay Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi oo maanta warbaahinta la hadlay.
Magacyada horjoogayaasha la dilay ayaa lagu kala sheegay Abuu Anas – Horjoogaha gaadiidka Jabhadaha Alshabaab u qaabilsanaa, Maxamed Axmed Xerow – Horjooge kooxeed si weyn looga garanayo deegaannada gobolka Hiiraan.
Sidoo kale, Horjoogayaasha dhaawacmay ayuu ku kala sheegay Axmed Cadbi Rooble (Nuu-nuule) – U qaabilsanaa Alshabaab gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Mudug iyo Galgaduud. Wasiirku wuxuu ku sifeeyay inuu ahaa shaqsi si gaar ah u hoggaamin jiray weerarada lagu dhibaateeyo dadka shacabka ah. Xubin lagu soo koobay magaciisa Jaylaani ayuu tilmaamay inuu ka mid ahaa horjoogayaasha ugu sareeya ee qeybta Jabhadaha, waxaaana soo gaaray dhaawac culus.
Wasiirka Fiqi ayaa carrabaabay in dhammaan xubnahan ay ahaayeen maskaxdii ka dambeysay weeraradii ugu dambeeyay ee Alshabaab ka fulisay gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, isagoo intaas ku daray in howlgalkaasi uu si weyn u wiiqay awoodii kooxda Alshabaab, isla markaana uu garab u ahaa Ciidamada deegaanka ee la dagaallamaya kooxda.
Wasaaradda Difaaca ayaa sheegtay in howlgallada noocan oo kale ah ay sii socon doonaan ilaa laga cirib tiro khatarta Alshabaab ee ka jirta gudaha dalka, ayna rajeynayso in khasaaraha soo gaaray uu intaasi ka bato.
HBN ONLINE TV