Wasaaradda Gaashaandhigga oo digniin u dirtay dadka rayidka ah ee ku sugan deegaannada Alshabaab joogaan

Wasiirka Difaaca Xukuumadda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo khudbad ka jeediyay Munaasabad lagu xarrig jarayay dhismaha cusub ee xarunta Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka ayaa ka faahfaahin ka bixiyay howlgallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab ee socda.

Waxaa uu sheegay in Dowladda Federaalka ay diyaarisay siduu hadalka u dhigay guluf ka dhan ah Alshabaab, si ay uga qabsato deegaannada ay gacanta ku hayaan, isaga oo digniin u diray dadka rayidka ah ee jooga deegaannadaas si ay uga fogaadaan waxyeellada ka soo gaari karta duullaanka Ciidamada ay qaadayaan.

Sida oo kale mar uu ka warceliyay Dadka inta badan ka hadla waxyeellada kasoo gaartay duqeymaha lagu beegsanayo deegaannada ay gacanta ku hayaan kooxdu waxa uu u soo jeediyay in ay ka guuraan ama ka fogaadaan meelaha bartilmaameedka u ah Dowladda sida uu hadalka u dhigay.

“Shacabka Soomaaliyeed waxa aan u dirayaa fariin, waxa aad ogtihiin dagaal in lagu jiro, Shabaab iyo innaga waxa aan xabbad ahayn in aysan naga dhaxeyn, Waxa aad ogtihiin in uu Madaxweynaha ku baaqay dagaal cir & dhul ah laga weerari doonno, haddana waxaa la arkay dad Shacab ah oo leh Shabaab wixii lagu duqeeyay ayaa wax naga soo gaaray baa la arkay” Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac.

Waxaa uu intaas ku daray in aysan qarineyn in Alshabaab dhan walba lagala dagaaalami doono.

“War Shabaab meel uu joogo iyo meel uu ka dhow yahay ka fogaada, Waqti dhow wax weyn oo aadayn filanayn ayaa ku dhici doonna Alshabaab ee Shacabkow ka fogaada, war cirka ayaa lagaa duqeynaa, ma qarsaneyno waxa aan soo rideyno oo dhulka ayaa laga weeraraa, waxa aad aragtaan ee hub ah iyaga iyo cadawga dibadda ayaan u diyaarsanay”.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa dhowaan sheegay in la diyaariyay ciidamo katirsan Dowladda kuwaas oo loo qorsheeyay in ay duullaan ku qabsadaan deegaannada ay Alshabaab gacanta ku hayaan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed