Wasaaradda Difaaca Soomaaliya oo sheegtay in khasaare dhimasho badan lagu gaarsiiyey Alshabaab dagaalka ka dhacay Sabiib iyo Caanoole

Wasaaradda Difaaca Soomaaliya oo faahfaahin bixisay dagaallo ka kala dhacay gobollada Shabeellooyinka ayaa sheegtay in khasaare dhimasho badan lagu gaarsiiyey Alshabaab, iyada oo tirada hordhaca ah ay gaareyso ku dhawaad 70 xubnood.

Deegaannada Sabiib iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha hoose oo Alshabaab maanta weerar ku qaaday fariisimaha Ciidamada dowladda ayaa wasaaraddu carrabowday in looga dilay kooxda tiro ku dhow 30 xubnood, inkasta oo ay tilmaantay in khsaaruhu ka bada karo maadama ay socoto baariso dheeraad.

Duqeyn lagu beegsaday xubno ka mid ah kooxda oo laga fuliyey deegaan hoostaga degmada Raagga-Ceelle ayaa isna la sheegay in lagu dilay 40 maleeshiyaad ah halka loogu gubay sida hadla loo dhigay gaari Cabdi-Bile ah.

Dhanka kale, Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Abuukar Maxamed oo hadalkan warbaahinta la wadaagay ayaa shaaciyey in duqeymo kale ay ka dheceen deegaanka Masaajid Cali Gaduud, taasi oo sababtay sida uu tilmaamay khasaare soo gaaray Alshabaab.

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in dib ay uga wareegtay goobahan ay duqeymaha iyo weeraradu ka dheceen ayaa wajaheysa dagaallo hor leh oo kaga imaanaya kooxda Alshabaab.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed