Cabduqaadir Maxamed Nuur Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo markale ku celiyey in dhowr jeer oo hore digniinno ka soo saartay DFS la tacaamulka Al-shabaab iyo in laga fogaado goobaha ay joogaan ayaa sheegay in weli meelaha qaar lagu arkayo in fariinta dowalda aan la qaadan.
Wasiirka ayaa tilmaayay in deegaanka Ceel Bacad ee gobolka Shabeellaha Dhexe lagu arkay in weli aysan dadka qaar ka waantoobin welina la macaamilaan Alshabaab, isagoo markale digniin adag u diray kuwa wali ku jira howlahaas halista ku ah naftooda.
“Anagoo aad uga fogaaneyna in Shacab wax yeelo ka soo gaarto duqeynta ayaa waxaan Amiiro ka tirsan Khawaarijta ku duqeyney deegaanka Ceel Bacad, waxaan mar labaad Shacabka uga digeynaa ineysan Khawaarijta la macaamilin, ayna ka fogaadaan meelaha ay joogaan” ayuu yiri wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur.
Horey Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay shacabka inay ka fogaadaan meelaha ay maamusho Al-Shabaab, si aysan dhibaato uga soo gaarin howlgallo qorsheysan oo lagu qaadayo saldhigyada ay ku sugan yihiin Maleeshiyaadka Al-shabaab.
HBN ONLINE TV