Ilo wareedyo lagu kalsoonaa karo sida ah u xaqiijiyeen warbaahinta madaxa banaan, Wasaaradaha Arrimaha Dibadda ee Denmark iyo Soomaaliya ayaa isweydaarsadeen qoraallo ku saabsan hadalki uu safiirka dalkaasi ee Muqdisho ku sheegay dal madax banaan Somaliland, xili uu magaalada Hargeysa toddobaadkan uu uga qeybgalyey kormeero doorashooyinka Somaliland.
Talaabadasi ayaa Soomaaliya ku sheegtay in walaac ay ku abuurtay dowladda federaalka oo u aragtay inay liddi ku tahay gobonnimada wadanka.
Isweydaarsigan ayaa daba socday warqad uu wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya u diray safiirka Denmark oo uu ugu yeeray danjiraheeda si wax looga weydiiyo tallaabooyinka ay dhibsatay dowaldda federaalka.
Dowladda Denmark ayaa qoraalkeeda ku muujisay raalli-gelin horudhac ah iyo inay ka garowday gefka diblumaasigeeda, iyada oo aqoonsan xasaasiyadda arrimaha la xiriira hadalka safiirkooda.
Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in safiirka Denmark uu todobaadka soo aaddan la kulmi doono wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi si looga wadahadlo, loona faahfaahiyo arrinta.
Kulankan ayaa la filayaa inuu noqdo mid lagu xoojinayo wadahadallada furan, laguna caddeeyo mowqifyada labada dhinac si loo adkeeyo xiriirka diblomaasiyadeed.Wasiirka arimaha Dibadda ahmed Moalim Fiqi ayaa shalay sheegay in ay talaabo ka qaadi doonaan safiirka Danishka oo sida uu hadalka u dhigay meel uga dhacay qaranimada dalka.
HBN ONLINE TV