Warbaahinta Turkiga ayaa tabisay macluumaad ay ku sheegeen in kooxda PKK oo dalkaasi looga aqoonsan yahay urur ay Maraykanka iyo Israa’iil ku amreen inay kordhiyaan weerarrada ka dhanka ah Turkiga, ka dib markii xukuumadda Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ay muujisay fursad taariikhi ah oo lagu soo afjarayo falalka kooxda PKK ay fuliyeen, sida laga soo xigtay warbixinnada sirdoonka.
Wargeyska Daily Sabah ee ka soo baxa dalka Turkiga oo qoray warbixintan ayaa sheegay in kooxda PKK ee Kurdiyiinta ah, lagu amray in ay beddelaan xeeladaha ay ku carqaladeynayaan hannaanka cusub ee laga yaabo in dawladda Turkigu ay ku bilowdo weeraro cusub, taas oo caddaynaysa weerarkii PKK ee Warshadaha lagu farsameeyo diyaaradaha, dayax gacmeedyada iyo agabka kale ee hawada ee magaceeda loo soo gaabiyo TAI iyo weerar kale oo ay qorsheynayeen in ay qaadaan maalmo ka dib weerarkii warshadda lagu beegsaday iyadoo laba nin uu fulin lahaa weerarka dambe la toogtay.
Faahfaahinta kale ee laga helayo warbixinnada sirdoonka ee ku saabsan is-beddelka istaraatiijiyadda PKK waxaa ka mid ah kulan dhexmaray koox Israa’iili ah iyo hoggaamiyeyaasha PKK ee Ciraaq ee magaalooyinka Sulaymaniyah iyo Qandiil.
Turkiga ayaa xoojiyey howlgallada ka dhanka ah wax loogu yeeray argagixisada ee gudaha iyo waqooyiga Ciraaq iyo Suuriya, halkaasoo PKK iyo garabkeeda Suuriya ee YPG ay gabaad ku leeyihiin, ka dib weerarkii lagu qaaday xarunta warshada TAI ee Ankara, halkaasoo ay ku dhinteen 5 ruux 22 kalena ay ku dhaawacmeen.
Kooxda PKK ayaa sheegatay weerarkaas, waxaana mas’uuliyiinta Turkiga ay xaqiijiyeen in labada qof ee weerarka geystay ay ahaayeen argagixisada PKK.
Weerarkan ayaa dhacay xilli ay sii kordhayaan calamadaha hanaan siyaasadeed ee dhexmara Ankara iyo PKK, si loo soo afjaro falalka argagixisnimo oo soo taxnaa tan iyo 1980-maadkii ficiladaasi oo dhiigga badan ku daatay.
Baaqa ka soo yeeray Devlet Bahçeli madaxa xisbiga dhaqdhaqaaqa wadaniga ah (MHP), oo xulafo la ah xisbiga cadaaladda iyo horumarinta ee AK Party ee Erdogan ayaa sheegay maalmo ka hor weerarka in PKK laga yaabo inay hubka dhigaan haddii hoggaamiyooda xiran Abdullah Öcalan yimaado Baarlamaanka oo uu khudbad ka jeediyo marka la sii daayo.
In kasta oo baaqa Bahceli uu la kulmay jawaabo kala duwan, haddana Erdogan wuxuu u muujiyay taageero adag, isagoo ku booriyay kooxda PKK inay hubka dhigaan.
Warbixinnada sirdoonka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in PKK ay u dirtay Turkiga kooxo kala duwan, taasoo ku riixaysa ciidamada ammaanka inay sii xoojiyaan tallaabooyinka ayna kordhiyaan ilaalinta xuduudaha.
Wararka ayaa sheegaya in Israa’iil oo dagaalkeeda xasuuqa ah ee Qaza ka socda, uu Turkiga si xun u dhaleeceeyay, waxayna taasi badalkeeda ka shaqeyneysaa dhiirigelinta iyo taageerada kooxda PKK waxayna ka caawisay kooxda inay go’aamiso istaraatiijiyaddeeda cusub.
HBN ONLINE TV

