Wararkii ugu dambeyey Qarax dhimasho sababay oo Muqdisho ka dhacay

Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in ugu yaraan shan qof ay ku dhinteen halka labaatan kalena ay ku dhaawacmen ka dib qarax loo adeegsaday gaari walxaha qaraxa laga soo buuxiyey oo la dhigay bannaanka meherad ku taalla Muqdisho

Qaraxa ayaa ka dhacay maqaaxadida Top Coffee, oo ku taalla degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho oo ah goob aan sidaasi ugu fogayn madaxtooyada Soomaaliya.

Xilliga qaraxu haleelay goobta ganacsi waxay ahayd goor caweysin ah oo dhalinyaro badani oo ku sugnaa maqaaxida ay daawanayeen fiinaalka ciyaartii dhexmartay xulalka Ingiriiska iyo Spian

Sawiro laga qaaday ayaa muujinayey holac, uuro iyo qiiq qariyey goobta iyadoo sidoo kale qaybo ka mida maqaaxida uu soo gaaray burbur sida ay goob joogayaal u sheegen HBN TV.

Goobta wax ka dhaceen ayaa ku taalla aag aad loo ilaaliyo oo ay ku yaallaan xarumaha dowladda sida madaxtooyada, barlamaanka, xarunta haya’adda nabad sugida iyo hoteelo ganacsi.

Dhammaan wadooyinka laga soo gala halkaas waxaa ku yaalla baro kantarool oo ay ku sugan yihiin ciidamada ammaanka ee dowladda.

Dhaawacyada ayaa lagu dabiibayaa isbitaallada magaalada Muqdisho. Iyadoo qaraxan uu ahaa mid ka mid ahaa kii ugu cuslaa ee ka dhaca magaalada muddooyinkii danbe.

Ilaa hadda ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay masuulliyada qaraxaas.

Magaalada Muqdisho ayaa beryihii danbe ahayd mid aan looga baran qaraxyada noocaan oo kale ah.

Maalmo uun ka hor ayey ahayd markii iska hor imaad dhaliyey dhimasho iyo dhaawac leh uu ka dhacay xabsiga dhex ee Xamar kaas oo u dhaxeeyey ilaalada xabsiga iyo maxaabis ku jirtay xabsiga.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed