Wararkii ugu dambeeyey doorashada Galmudug

Maamulka Galmudug ayaa saaka martigelinaya doorashada qof iyo codka ah, iyadoo 267,420 qof lagu wado inay codkooda ka dhiibtaan 11 degmo oo ay Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya horey uga diiwaangeliyeen codbixiyeyaashaan.

Doorashadan ayaa lagu dooranayaa xubnaha golayaasha deegaanka iyo Wakiillada Dowlad-goboleedka Galmudug. Guddiga Doorashooyinka ayaa shaaciyey liiska musharaxiinta u tartamaya kuraasta labada gole.

Tartanka Golaha Wakiillada waxaa ku loolamaya 12 urur siyaasadeed, kuwaas oo ku tartamaya 89 kursi. Tirada musharaxiinta la diiwaangeliyey ayaa gaareysa 369 musharax, kuwaas oo ay 57 dumar yihiin, halka 312 ay rag yihiin.

Sidoo kale, doorashada golaha deegaanka oo ka kooban 243 kursi ayaa waxaa ku tartamaya 16 urur siyaasadeed. Guddigu wuxuu sheegay in tartankaasi ay ka qeybgalayaan 924 musharax, kuwaas oo 198 dumar yihiin, halka 726 ay rag yihiin.

Galmudug ayaa noqoneysa goobtii 3-aad ee Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya uu ka qabto doorashada qof iyo codka ah, halka ay tahay dowlad-goboleedkii 2-aad ee nidaamkan doorasho lagu hirgeliyo, kaddib maamulka Koonfur Galbeed.

Dhanka kale, saaka waxaa dhaqan galaya go’aanka xayiraadda dhaqdhaqaaq, kadib markii Maamulka Galmudug uu ku dhawaaqay bandow guud oo laga hirgeliyey magaalooyinka waaweyn ee deegaannadiisa, iyadoo tallaabadan lagu sheegay mid lagu xaqiijinayo amniga doorashada.

Maamulka wuxuu sheegay in inta uu bandowgu socdo la xaddidayo dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo dadweynaha, hase yeeshee laga reebay gaadiidka laamaha amniga, gaadiidka Guddiga Doorashooyinka, hawl-wadeennada doorashada iyo warbaahinta.

Si kastaba ha ahaatee, doorashadan ayaa la kulmeysa diidmo xooggan oo uga imaaneysa dhinacyada mucaaradka, kuwaas oo si weyn uga soo horjeeda habkan doorasho.

Mucaaradka ayaa ku doodaya in ay tahay doorasho natiijadeeda hore loo sii og yahay, halka Dowladda Federaalka iyo Guddiga Doorashooyinka ay si cad u diideen eedeymahaas, iyagoo ku adkeysanaya in doorashadu tahay mid muhiim u ah horumarinta dimuqraadiyadda iyo ballaarinta ka qeybgalka shacabka ee hannaanka doorashooyinka dalka.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed