Dalka Kenya ayaa maanta waxaa ka billowday dibadbaxyo iyo shaqo joojin ballaaran oo looga soo horjeedo sare u kaca ku yimid qiimaha shidaalka, taas oo saameyn weyn ku yeelatay gaadiidka dadweynaha iyo dhaq-dhaqaaqa ganacsiga, gaar ahaan magaalada Nairobi.
Darawallada basaska, tagaasida iyo mootooyinka ayaa hakiyay shaqadii ay hayeen si ay cadaadis ugu saaraan dowladda in la dhimo qiimaha shidaalka, iyadoo kumannaan qof ay lug ku gaareen goobahooda shaqo, kadib markii gaadiidku yaraaday.
Soomaalida ku nool Kenya ayaa sidoo kale sheegay in ganacsigooda iyo isku socodkooda uu saameyn ku yeeshay mudaharaadyada.
Rabshado ka dhacay waddada Thika iyo xaafado kale oo Nairobi ka tirsan ayaa dibadbaxayaashu shideen taayiro iyo jidgooyooyin, taas oo sababtay isku dhacyo dhexmaray booliiska iyo mudaharaadayaasha.
Ugu yaraan hal gaari ayaa la gubay, halka kuwo kalena la burburiyay, waxaana hakad galay isu socodka waddooyinka waaweyn ee magaalada.
Shaqo joojinta gaadiidka ayaa sidoo kale saameysay iskuullada iyo ganacsiyada, iyadoo goobo badan la xiray. Kumannaan rakaab ah ayaa ku xayirmay saldhigyada basaska, kadib markii adeegyada gaadiidka dadweynaha ay istaageen.
Wasiirka Maaliyadda Kenya John Mbadi ayaa sheegay in kororka qiimaha shidaalka uu ka dhashay xaaladaha dagaalka bariga dhexe ee u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan, wuxuuna xusay in dowladdu ay qorsheyneyso tallaabooyin lagu dejinayo qiimaha shidaalka bisha June, kadib kulan ay wasiirradu la yeelan doonaan Madaxweynaha William Ruto.
HBN ONLINE TV

