Bannaanbixii ay qorsheynayeen mucaaradka ee lagu waday in maanta uu ka dhaco in ka badan 22 gooboodoo oo kala duwan oo ku yaal magaalada Muqdisho, caasimada Soomaaliya ayaan u qabsoomin sidii qorshuhu ahaa, ka dib markii dawladu ciidamo iyo gaadiid fara badan dhigtay wadooyinka halbowlaha iyo isgoysyada ugu muhiimsan.
Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta mucaaradka oo saxaafada la hadlay iyo kuwo kale oo baraha bulshada oo fariimo ku soo qoray ayaa sheegay in ciidamo la dul dhigay—loona diiday ina ka baxayaan guryahooda, ma jiraan cid madaxbannaan oo xaqiijin karta sheegashadooda ama war ka soo baxay dawlada oo ku aadan arrimahan.
Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed oo goor sii horeysay saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dawladu xiratay wadooyinka, isla markaana ay horistaagtay bannaanbaxyadii ay qorsheeyeen in mucaaradku dhigo, waxaana uu sheegay in ay isugu tagi doonaan Garoonka Kubadda Cagta Stadium Koonis oo xalay dawladu shaacisay inay ogoshahay in bannaanbaxu ka dhaco, inkastoo aan la ogayn sida dadku halkaasi ku tagi karaan maadaama waddooyinku xiran yihiin.
Dhinaca kale banaanbaxayaal ayaa isugu soo baxay degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inay isku dhaceen iyaga iyo ciidamada ammaanka, isla markaana rasaas laga maqlay halkaasi.
Ra’isalwasaarihii hore Xasan Cali Khayre oo shir jaraa’id ku qabtay hoygiisa ayaa sheegay in bannaanbaxayaasha rasaas lagu furay isla markaana dhimasho & dhaawac ay soo gaareen dadkii ka qayb qaadanayay mudaharaadka.
Ilo wareed madaxbannaan ayaa sheegay in ugu yaraan hal qof uu ku dhintay rasaasta, halka dhowr qof oo kale ay ku dhaawacmeen.
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay hay’addaha ammaanka dawlada oo xaqiijinaya khasaruhu inta uu gaarsiisan yahay iyo sababta dadka rayidka ah rasaasta loogu furay.
Isha ku haay HBN ONLINE TV

