Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal Ka Dhacay Puntland.

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xiisad dagaal oo ka dhacday Puntland kadib markii xal laga gaari waayay Arrimaha taas oo Mucaaradka ka hor yimaadeen hannaanka uu wax u wado Saciid Cabdullaahi Deni.

Ciidan waday  sanaadiiqda doorashooyinka qof iyo cod iyo ciidamo taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka ah ee doonaya in la joojiyo doorashooyinka ayaa xaley dagaal ku dhexmaray duleedka Magaalada Garowe kaas oo aad looga dareemay magaalada.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan saddex askari ayaa ku dhintay halka tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen dagaal xalay ka dhacay nawaaxiga garoonka diyaaradaha Garoowe.

Labada dhinac ee dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah midna weli kama hadlin dagaalkii xalay ka dhacay nawaaxiga garoonka diyaaradaha Garoowe.

Dagaalkan ayaa ku soo beegmay saacado yar kadib markii siyaasiyiinta mucaaradku ay ku baaqeen in la joojiyo doorashooyinka qof iyo cod si aysan u sababin qalalaase amni.

Si kastaba, doorashada goleyaasha deegaanka ee dowlad goboleedka Puntland oo qof iyo cod ayaa loo ballansan yahay 25 ka bishaan May ee 2023-ka, waxaase sii xoogeysanaya khilaafka ka dhashay doorashadan oo hadda sababay dagaal u dhexeeyo labada dhinac.

HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed