Wararkii u dambeeyey wadahadalada Turkiga ee Soomaaliya & Itoobiya

Wararka ka imaanaya dalka Turkiga ayaa sheegaya ayaa sheegaya in maalintii labaad ay galeen wadahadalada aan tooska ahayn ee Turkigu dhexdhexaadiyaha ka yahay ee u dhaxeeya Soomaaliya & Itoobiya.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa si gooni gooni ah ula kulmay dhiggiisa Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo kan Itoobiya, Taye Atske Selassie.

Ilo-wareedyo dublamaasiyadeed ayaa u sheegay HBN Online in wufuudda Soomaaliya & Itoobiya aanay yeelan kulamo fool ka fool ah. Taas bedelkeeda, Turkigu wuxuu ciyaarayay doorka dhex dhexaadinta ee labada dal.

Sida laga soo xigtay sarkaal ku dhow wada-hadallada, oo codsaday inaan la aqoonsan sababo la xiriira xasaasiyadda warkan uu leeyahay ayaa HBN Online u sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkiga Hakan Fidan uu min la laba jeer la kulmay wafdiga Soomaaliya iyo Itoobiya, si xal looga gaaro ilaafkooda.

Arrimaha ugu waa wayn ee la isku mari la’yahay ayaa ah halka uu ku dambayn doono heshiiskii is-afgaradka ahaa ee muranka dhaliyay, ee ay Itoobiya la saxeexatay Somaliland 1-dii January ee sanadkan, iyo Itoobiya dalbanaysa inay hesho bad ay isticmaasho.

Mid ka mid ah ergada ka qayb galaysa wadahadalka dhanka Soomaalida oo codsaday in magaciisa aan la xigan sababo isagoo oo aan loo ogolayn in uu warbaahinta kala arintan ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku adkaysanayso in Itoobiya ay la laabato is-afgaradkii Abiy Axmed la saxiixday Muuse Biixi Cabdi, oo uu sifeeyay mid sharci darro ah, isla markaana Addis Ababa ay raaligalin ka bixiso sida uu sheegay “xadgudubkii” ay ku sameysay madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya, haddii sidaasi aysan dhicin aysan la fariisan doonin wafdiga Itoobiya.

Warka ayaa wuxuu intaasi ku darayaa in Turkigu uu xoogga saarayo in la gaaro heshiis oo wadahadalkan aanu fashilin, waxaana uu cadaadis saaraya labada dhinac inay tanaasul ka sameeyaan meelaha qaar.

Falanqeeyayaasha gobolka ayaa sheegay in Itoobiya u isticmaalayso is-afagaradkii ay la saxiixatay Somaliland gorgortan ay dawlada Soomaaliya ku riixayso inay u ogaalato doonista bad ay si buuxda u isticmaasho, qodobkaas ayaa loo arkaa inuu fashiln karo wadahadalka maadaama Soomaaliya ay gabi ahaanba ka soo horjeeda in wax lagu dhameeyo xeer jajab ayna ku adkeysanayo qawaaniinta caalamiga ah in lagu saleeyo heshiis kasta oo la galayo.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed