Ruushka iyo Ukraine ayaa maanta is weydaarsaday weerarro milatari, xili wakiilladoodu ku kulmayaan magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, si ay u yeeshaan wareegga labaad ee wadahadallada nabadeed ee tooska ah.
Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka ayaa sheegtay in habeenkii xalay difaacyadooda cirka ay soo rideen 162 diyaaradood oo drone ah oo Ukraine ku soo weerartay deegaano kala duwan, kuwaas oo la doonayay in lagu beegsado bartilmaameedyo rayid ah. Waxaa ka mid ahaa 57 drone oo lagu soo riday gobolka Kursk iyo 31 oo lagu soo riday gobolka Belgorod.
Waxay intaas ku dartay in ciidamada Ukraine ay si joogto ah u beegsadaan xuduudaha Ruushka, gaar ahaan gobolka Crimea iyo gobollada Belgorod, Bryansk, Kursk iyo Voronezh, iyagoo adeegsanaya gantaallo iyo diyaarado drone ah si ay cabsi ugu abuuraan dadka rayidka ah.
Weerar aan hore loo arag, maalinimadii shalay, Ukraine waxay qaaday weerar drone ah oo ballaaran oo lala beegsaday garoomo diyaaradeed oo ciidan gudaha Ruushka ah, ilaa gobolka Siberia. Waxay sheegtay in ay beegsatay diyaaradaha Ruushka ee xambaari kara hubka nuclear-ka.
Andriy Kovalenko, mas’uul ka tirsan Golaha Qaranka ee Amniga iyo Difaaca Ukraine, ayaa maanta sheegay in ugu yaraan 13 diyaaradood lagu burburiyay weerarkaasi. Waxa uu sidoo kale xusay in diyaarado kale ay waxyeelo soo gaartay.
Ma jirto cid madaxbannaan oo xaqiijin karta tiradaasi, balse muuqaalo la soo dhigay baraha bulshada ayaa waxaa ka muuqda dhawr diyaaradood oo gubanaya ka dib markii lagu duqeeyay diyaaradaha drone-ka.
Dhinaca kale, ciidamada cirka ee Ukraine waxay sheegeen in Ruushka uu habeenkii xalay ku soo weeraray gudaha Ukriane 472 diyaaraha drone-ka – taasoo ah tiradii ugu badneyd hal habeen oo uu Ruushka ku weeraro.
Weerarro Ruushku qaaday ayaa waxaa lagu dilay dilay 5 qof agagaarka magaalada Zaporizhzhye ee koonfur-bari Ukraine. Sidoo kale, weerar drone ah oo ka dhacay gobolka Sumy ee waqooyi-bari ayaa dhaawacay ugu yaraan 6 qof, oo ay ku jiraan laba carruur ah.
Wadahadallada Istanbul
Weerarrada maanta dhacay ayaa ku soo beegmay iyadoo la shaacinayo in wakiillo ka socda labada dal ay mar kale maanta ku kulmayaan magaalada Istanbul si ay u sii wadaan wadahadallada lagu joojinayo dagaalka bilowday bishii Febraayo 2022.
Waxaa lagu wadaa in labada dhinac ay yeeshaan wareeg labaad oo wadahadallo toos ah ah, inkasta oo ay si weyn isugu khilaafsan yihiin sida loo soo afjaro dagaalka.
Ergeyga Madaxweyne Donald Trump, Keith Kellogg, ayaa sheegay in labada dhinac ay Turkiga ku soo bandhigi doonaan dukumiintiyo ay ku qoran yihiin shuruudahooda nabadeed, inkastoo ay muuqato in farqi weyn uu weli u dhexeeyo Moscow iyo Kiev ka dib saddex sano oo dagaal ay ku jireen.
Kellogg wuxuu sheegay in Mareykanku uu ka qeyb qaadan doono wadahadallada, sidoo kale wakiillo ka socda UK, Faransiiska iyo Jarmalka. Si kastaba ha ahaatee, ma cadda heerka ay Mareykanku ku matali doonaan.
Dalabaadka Ukraine
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ukraine ayaa sheegay in wafdiga Kiev uu gaaray Istanbul, lana qorsheeyay in kulanka labada dhinac la qabto galinka dambe ee maant oo Isniint ah.
Wareegto uu saxiixay Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegtay in wafdiga uu hoggaamin doono Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda, ayna ku jiraan saraakiil ciidan iyo sirdoon.
Dukumiinti ay aragtay wakaaladda Reuters ayaa muujisay in Ukraine ay Ruushka u gudbin doonto khariidad nabadeed oo waarta, iyadoo ay ka mid tahay: Inaan la xaddidin awoodda milatari ee Ukraine heshiiska kadib. Inaan la aqoonsan dhulalka ay Ruushku qabsadeen in isagu leeyahay.
In magdhow la siiyo Ukraine. Waxa uu sidoo kale sheegay in goobta ay hadda ciidamada kaga sugan yihiin dalka ay noqon doonto barta laga bilaabayo wadahadallada xadka.
Wafdiga Ruushka
Wafdiga Ruushka waxaa hoggaaminaya Vladimir Medinsky, oo ah la-taliyaha Madaxweynaha Putin. Wuxuu horey u sheegay in dagaal iyo wadahadal ay mar walba isla socdaan, isagoo tusaale u soo qaatay taariikhda Napoleon.
Medinsky ayaa sheegay in Moscow ay heshay qoraalka Ukraine, isla markaana ay maanta si rasmi ah uga jawaabi doonaan.
Putin ayaa markii hore soo jeediyay in la bilaabo wadahadallo toos ah, kadib markii Ukraine iyo wadamada Yurub ay dalbadeen xabbad joojin uu Kremlin-ka diiday. Putin wuxuu sheegay in marka hore Ruushku diyaarin doono heshiis qoran, ka dibna laga wadahadli doono xabbad joojin.
Madaxweyne Trump ayaa ku baaqay in la gaaro heshiis nabadeed, balse labada dhinac weli ma gaarin heshiis. Aqalka Cad ayaa dhowr jeer sheegay in Mareykanku uu joojin doono dadaallada nabadeed haddii madax-adaygga labada dhinac uu hor istaago xal nabadeed.
Wareeggii ugu horreeyay ee wadahadallada 16kii May wuxuu horseeday isdhaafsigii maxaabiista ugu weynaa tan iyo bilowgii dagaalka, balse wax heshiis xabbad-joojin ah lagama gaarin.
HBN ONLINE TV