Warar kala duwan oo soo baxaya ayaa sheegaya in dad isugu jira ganacsato iyo nabadoono oo ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya in ka badan 20 maalmood si sharci darro ah ugu xiran yahihiin magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, kaddib markii ay soo baxday sheegasho la xiriirta aano qabiil.
Xubno siyaasiyiin ah oo si kulul uga hadlay dhacdadan ayaa ugu baaqay Puntland in si degdeg ah loo sii daayo dadka la xiray, kuwaas oo aan wax lug ah ku lahayn dil la sheegay inuu ka dhacay Koonfurta Soomaaliya – Sawirro laga soo qaaday dadka xiran ayaa muujinaya iyagoo katiinadeysan, taasoo dhalisay carro iyo hadal heyn baahsan oo ka dhex dhalatay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka ka soo jeeda Koonfur Galbeed.
Xildhibaan Maxamed Barre wasiirkii hore ee Ciyaaraha Soomaaliya iyo Cabdisataar Xasan Cali, oo u dhaqdhaqaaqa arrimaha Koonfur Galbeed ayaa si adag u cambaareeyay xarigga, iyagoo ku tilmaamay arrin khaldan oo halis gelinaysa wada-noolaanshaha bulshada.
Ilo madax bannaan oo la socday dhacdada ayaa xaqiijiyay in xarigga uu yimid kaddib markii qof ka soo jeeda Mudug lagu dilay Koonfurta Soomaaliya, taasoo dhalisay fal-celis la xiriirta aano qabiil. Si kastaba ha ahaatee, dadka la xiray laguma eedeyn falkaasi, mana jirto caddeyn rasmi ah oo muujinaysa in ay wax lug ah ku leeyihiin.
Maamulka Puntland wali kama uusan hadlin arrintan, balse waxaa jira cadaadis isa soo taraya oo ku saabsan in dadkaasi xorriyadooda dib loogu soo celiyo, iyadoo la tixgelinayo sharciga, caddaaladda iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.
Dadka deegaanka iyo ururada bulshada rayidka ah ayaa sidoo kale bilaabay olole ay ku dalbanayaan in si degdeg ah loo joojiyo xarigga ku saleysan haybta iyo aargoosiga qabiilka, iyagoo ku baaqaya in loo maro waddo sharci ah wixii cabasho ah oo jira.
HBN ONLINE TV