Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday saldhig ay ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ku leeyihiin duleedka magaalada Baydhaba ee gobolka Baay, gaar ahaan deegaanka Burjeed. Weerarka oo sababay dagaal foolka fool ah ayaa socday saacado badan, iyadoo labada dhinac ay isku adeegsadeen hub culus, taas oo cabsi ku abuurtay dadka deegaanka.
Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka, ayna gacanta ku hayaan goobihii lagu dagaalamay, halkaas oo ay ka wadaan baaritaanno amni. Maamulka Koonfur Galbeed ayaa isna sheegay inuu howlgal qorsheysan ka fuliyay tuulooyin dhowr ah oo hoostaga Deynuunaay, sida Buulo Uunsug, Koran-Rooge, Gomareey iyo Dhanbalka, kuwaas oo lagu tuhunsanaa inay ku dhuumaaleysanayeen xubno Alshabaab ah.
Howlgalkan ayaa waxaa fuliyay ciidamada Booliska Gaarka ah, iyadoo ujeeddadu ahayd xaqiijinta amniga iyo ciribtirka khataraha amni ee deegaannadaasi. Dhanka kale, Alshabaab ayaa sheegatay inay khasaare culus gaarsiiyeen ciidamada dowladda, balse sheegashadaas looma xaqiijin karo si madax-bannaan.
Kooxda Alshabaab ayaa horey dhowr jeer u weerartay deegaanka Burjeed, hase yeeshee marar badan ayaa lagaga adkaaday, iyadoo maydadka dagaalyahanno ka tirsan kooxdaas horay loogu soo bandhigay fagaaraha Afar Irdoodka ee magaalada Baydhaba.
Xaalad kacsanaan ah ayaa laga dareemayaa qaybo kamid ah gobollada Baay iyo Bakool, halkaas oo ay Alshabaab weli ku xooggan tahay, balse maamulka Koonfur Galbeed ayaa haatan ku jira diyaar garow dagaal oo cusub oo lagu doonayo in lagu jebiyo go’doonka kooxda islamarkaana lagu furo deegaannada ay gacanta ku hayaan.
HBN ONLINE TV