Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay hoobiyaal lagu maanta lagu garaacay degmada Afgooye shabellaha hoose

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Al-shabaab ay tiro hoobiyeyaal ah ay ku garaaceen gudaha magaalada, kuwaa oo sababay khasaare kuwan oo ka dhashay.

In ka badan 10 hoobiye ayaa la sheegay in ay ku dhaceen xerada ciidmada dowladda ay ku leeyihiin degmada, Buundada iyo xaafado kala oo ka tirsan degmadasi, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiil ka mid ah ciidamada ammaanka Afgooye ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay hoobiyaasha lagu weeraray degmada, iyadoona la soo werinayo in ciidamada ammaanka ay baaritaano xoog leh ay ka wadaan gudaha Afgooye, taasi oo lagu daba-jiro goobaha laga soo tuuray.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in suuqa degmada Afgooye maanta lagu kala cararay, kadib markii dadka ay soo wajahday baqdin xooggan.

Muuqaallo laga helay goobaha rayidka degan yihiin oo hoobiyaashaasi mid haleelay ayaa muujinaya burbur xooggan oo soo gaaray guri iyo qof leh dhaawacyo yaryar ayaa caruurta soo gaaray. Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada madaafiicda lagu weeraray degmada Afgooye, balse waxaa badi dusha saarta kooxda Alshabaab.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed