Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dagaalameen Degmada Bardaale ee gobolka Baay, ee maamulka Koonfur Galbeed, waxaana la sheegay in dagaalkaasi uu sababay dhimashada ugu yaraan 2-ruux oo labada dhinac ah, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.
Dagaalyahanada Al shabaab ayaa lagu soo waramayaa in ay weerar ku qaadeen mid ka mid ah xerooyinka ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed, waxaana dhacay iska horimaad culus
War kooban oo ka soo baxay Wasaaradda Amniga Maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in weerarka ay fuliyeen “Al shabaab” uu ahaa mid fowdo ah, ujeedkooduna uu ahaa in ay rasaas iyo qalalaaso ka geystaan qeybo ka mid ah degmada, balse laga hortagay. .
Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in saacadihii ugu dambeeyay degmada Bardaale ay ka dhaceen kulamo looga hadlayay qaadista isbaarooyin ay soo dhigteen qaar ka mid ah ciidamada degmadaasi.
Wafdi ka socda maamulka Koonfur Galbeed oo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga maamulkaasi ayaa tagay degmada Bardaale, si ay ugala hadlaan qaadista isbaarooyinka.
Inkastoo dowladda Federaalka Soomaaliya ay muhiimad gaar ah siisay ammaanka, islamarkaana dagaal culus ay ku qaaday dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa haddana waxaa socda weerarada ka dhanka ah ciidamada dowladda Federaalka, inkastoo kooxdaasi laga saaray magaalooyin muhiim ah oo ay gacanta ku hayeen tobanaan sano.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab aysan joogsan doonin ilaa laga gaarayo guusha ugu dambeysa.
HB NEWS DESK