DEGDEG: Qarax xoogan oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho hadda waxaa ka dhacay qarax xooggan oo laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir, kaasi la soo sheegayo in uu ka dhacay Aaga hoohooyinka oo ka ag dhow madaxtooyada Soomaaliya.

Muuqaal hor dhac ah oo aan helnay ayaa muujinaya burburka gaadiid marayey laamiga dhabarka dambe mara ee Hooyooyinka iyo qiiq is qabsaday.

Goobta wax ka dhaceen oo ah Isgoys kulmiya seddex laami iyo goobo ganacsi ayaa dadkii halkaasi joogay xalkooda laga war heyn.

Idaacadda Kulmiye oo goobta wax ka dhaceen ku taal ayaa masuuliyiinteedu inoo sheegeen in wax khasaare ah ka soo gaarin, kaliyana ay burbureen miraayadaha daarta ay deganyihiin.

Isha ku hay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed