Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta oo axad ah yeeshay kulan degdeg ah, kaas oo ay ku ansixiyeen soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee ku saabsan magacaabista Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA). Golaha ayaa ansixiyey in Mahad Maxamed Salaad dib loogu magacaabo xilkaas Hay’adda NISA.
Mahad Salaad ayaa ah siyaasi rug-caddaa ah oo leh khibrad iyo aqoon durugsan oo ku saabsan arrimaha sirdoonka iyo amniga qaranka, waxaana uu markii uu xilkan soo qabtay lagu bogaadiyey doorkiisii uu kulahaa xasilinta Caasimadda Muqdisho iyo wax ka bedel guud habka wax qabad ee Hay’adda NISA.
Wuxuu horey u soo noqday Wasiir, Xildhibaan, iyo sidoo kale Agaasimaha NISA intii u dhexeysay sanadihii 2022–2023, ka hor inta aan xilka laga bedelin.
Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale u mahadceliyey Agaasimihii hore ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), iyagoo ammaanay doorkii uu ka qaatay sugidda amniga qaranka muddadii uu xilka hayey.
Magacaabista Mahad Salaad ayaa imanaysa xilli amniga dalka uu marayo marxalad xasaasi ah, waxaana loo arkaa tallaabo ay dowladdu ku xoojinayso hay’adaha amniga ee dalka.
HBN ONLINE TV