Warar aan helnay ayaa xaqiijinaya in goor dhow xarunta Madaxtooyada Soomaaliya uu ka furmi doono kulan muhiim ah oo u dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo siyaasiyiinta ku jira Madasha Mucaaradka.
Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa durba gaaray madaxtooyada, iyadoo kulankan lagu tilmaamay mid aad u xasaasi ah oo ah kii 5-aad ee labada dhinac yeeshaan. Kulamadii hore waxaa lagu kala bixi waayey cutubka 4-aad ee dastuurka oo weli miiska saaran.
Waxaa sidoo kale la sheegay in tan iyo xalay magaalada Muqdisho ay ka socdeen kulamo horudhac u ahaa shirkan, kuwaas oo gogol xaar u ah ajandaha maanta laga wada hadli doono.
Kulankan ayaa lagu wadaa inuu saamayn weyn ku yeesho jihada wada-hadallada siyaasadeed, iyadoo mucaaradku si adag uga soo horjeedaan qaabka doorashada ee Dowladda Soomaaliya ku sheegtay in aysan dib ugu noqon doonin teendhada Afisyoone, halkaas oo tan iyo 2012 lagu dooranayey madaxda dalka.
Isha ku haay HBN ONLINE TV