War degdeg ah: Duqeyn ka dhacday Shabeellaha Hoose oo lagu beegsaday gaari walxa qarxa waday

Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in iyada oo la kaashanayo saaxiibada caalamka in duqeyn ka dhacday deegaanka Daniga Baalow ee Gobolka Shabeellaha Hoose in lagu beegsaday xubno ka tirsanaa kooxda Alshabaab.

Howlgalka ayaa NISA sheegtay in lagu beegsaday gaari ay la socdeen maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab, kaas oo sida la tilmaamay siday qaraxyo iyo hub.

Hay’adda carrabowday in Howlgalka kooxda lagu gaarsiiyay khasaare xooggan.

NISA ma bixin wax intaas dhaafsan oo faahfaahinta howlgalkan la xariira yo xubnaha sida rasmiga ah loogu beegsaday ee khasaaraha soo gaaray.

Waxaa xusid mudan, in dagaallo maalmo socda ay dowladdu ka wado deegaanka Basra ee gobolka Shabeellaha hoose, halkaasi oo xubno badan oo ka tirsan kooxda lagu dilay.

Wasaaradda warfaafinta soomaaliya ayaa sheegtay in khasaare culus uu soo gaaray inta uu hadalka uu socday Alshabaab, iyada oo ilo bananbanaan ay sheegayaan duqeyn culus lala beegsaday xubno kooxda ugu sugan deegaanka.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed