Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta rasaas u adeegsaday dad rayid ah kaddib iska horimaad dhex maray iyaga iyo shacab careysan, taasoo sababtay khasaare soo gaaray.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in hal ruux uu ku dhaawacmay rasaasta ay fureen ciidamada, iyadoo la soo warinayo in xabado tiro beel ah la adeegsaday.
Muuqaal ku baahay baraha bulshada ayaa muujinaya dad rayid ah oo sida qof dhaawac ah, xilli ay ka cabanayeen barakicin lagu sameynayo xaafadda Warlaliska ee degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.
Xaaladda degmada Dayniile ayaa weli kacsan, waxaana la maqlayaa rasaas goos-goos ah, iyadoo muran dhuleed oo u dhexeeya dowladda iyo shacabka uu weli taagan yahay. Qofka dhaawacmay oo rag ah la sheegay in loo qaaday goob caafimaad.
Isha ku haay HBN ONLINE TV

