Dagaalka xoogan oo saacado socday ayaa ka dhacay deeggaanka Misaajid-Cali Gaduud ee Shabeelada Dhexe katirsan, iyada oo warar hordhac oo soo baxaya ay sheegayaan in kooxda Alshabaab ay la wareegtay sida uu u xaqiijiyey warbaahinta gudoomiyaha magaalada.
Qabsashadaan ayaa timid ka dib markii weerar qaraxyo ku bilawday ay ku qaadeen degmada xubno ka mid ah Alshabaab, taasi oo sababtay in gacanta ay ku dhigaan Masaajid Cali Gaduud oo ka mid ah goobihii laba sano ka hor laga saaray kooxda.
Ilaa hada lama oga qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka iyo dagaal toos ah oo dhex maray kooxda iyo ciidankii dowladda ee halkaas joogay.
Guddoomiyaha degmada Masaajid Cali Gaduud oo warbaahinta la hadlay ayaa u xaqiijiyay inay Ciidamada Dowladdu isaga baxeen halkaas oo ay saaka Kooxda, isaga oo intaa ku daray hadda ay joogaan meel hal 1-KM u jirta, ayna rajeynayaan inay halkoodii dib ugu laabtaan markale.
Weerarkaan ayaa ku soo aadaya xilli Madaxweyne Xasan Sheekh uu gobolka Shabeelada dhexe u joogo dardargelinta dagaalka la gula jiro kooxda Alshabaab. Misaajid Cali Gaduud ayaa labo sano ka hor dagaal maalmo badan socday kooxda Alshabaab looga saaray.
Isha ku haay HBN ONLINE TV