Maamulka Puntland ee ayaa war cusub ka soo saaray markabka SEA World, kaas oo dhowaan lagu qabtay xeebaha degmada Bareeda ee gobolka Bari. Wararka horudhaca ah ayaa lagu sheegaya in markabku siday hub ciidan oo culus.
Mas’uuliyiinta Puntland ayaa sheegay in baaritaanno ku saabsan waxa markabku sida iyo cidda iska leh ay weli socdaan, iyadoo ay jiraan sheegashooyin iska soo horjeeda. Maamulka ayaa tilmaamay in ay la soo xiriireen ganacsato ka soo jeeda Muqdisho oo sheegtay in iyagu leeyihiin shixnadda, iyo sidoo kale Safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo sheegay in Turkigu leeyahay qalabka saaran markabka.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu xusay in baaritaanku weli socdo, isla markaana Puntland ay soo dhoweynayso ka qeybgalka dowladda Turkiga iyo dowladda federaalka Soomaaliya, si loo hubiyo in hubku uusan ku dhicin “gacmo khaldan.”
Waxaa saaka sidoo kale dowladda federaalka Soomaaliya ay ku eedeysay Puntland in ay “afduubtay” markabka, iyada oo sheegtay in uu siday hub iyo agab ciidan oo loogu talagalay xerada tababarka TURKSOM ee magaalada Muqdisho.
HBN ONLINE TV