Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u aqoonsatay SSCKhaatumo inay tahay dowlad goboleed xubin ka ah Dowladda federaalka, taasoo astaan u ah marxalad muhiim ah oo ka tirsan isbeddelka dhismaha federaalka ee Soomaaliya, sida lagu sheegay war-saxaafadeed rasmi ah.
Go’aankan ayaa yimid kadib booqasho afar maalmood ah oo uu Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ku tagay magaalada Laascaanood oo ah magaalo muhiim u ah gobolka SSC-Khaatumo.
Bayaanka dowladda ayaa lagu xusay in dhulka SSC-Khaatumo uu si buuxda uga mid yahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana aan mar dambe loogu yeerin “dhul lagu muransan yahay.
”Aqoonsigan wuxuu u gogol xaarayaa ka qaybgalka SSC-Khaatumo ee wada-hadallada socda ee la xiriira hannaanka doorashooyinka, amniga, iyo geeddi-socodka siyaasadeed ee uu hoggaamiyo Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC)”. ayaa lagu bayaanka Dowladda Soomaaliya.
Labada dhinac waxay sidoo kale ku heshiiyeen inay iska kaashadaan arrimaha amniga iyo horumarinta. Dadaal wadajir ah ayaa lagu bilaabi doonaa dib-u-habeynta iyo ku biirinta ciidanka SSC-Khaatumo ee qaab-dhismeedka guud ee amniga qaranka Soomaaliya.
Iyada oo ay tahay tallaabo nabadeed, hoggaanka SSC-Khaatumo ayaa ku dhawaaqay in la sii daayay 25 maxbuus oo dagaal, kuwaasoo lagu qabtay iska horimaadyadii sanadihii dhawaa dhexmaray SSC-Khaatumo iyo ciidamada Somaliland. Tallaabadan ayaa loo arkaa mid dhiirrigelinaysa dejinta xiisadda iyo suurta-galnimada dib-u-heshiisiin.
Falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa sheegay in aqoonsiga dowladda federaalka ee SSC-Khaatumo uu yeelan karo saameyn ballaaran oo ku saabsan masraxa siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan xagga maamulka dhulka iyo mustaqbalka gobollada lagu muransan yahay.
HBN ONLINE TV