WAR DEG-DEG AH: Alshabaab oo Qabsaday Maxaas Kadib Dagaal Culus

Dagaal culus oo socday saacado badan ayaa ka dhacay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kaasi oo sababay in ciidamada dowladda iyo macawiisleyda deegaanka ay dib uga gurtaan magaalada. Maxaas oo muddo 13 sano ah ka madax-bannaaneyd kooxda Alshabaab, ayaa ahayd saldhig muhiim u ahaa abaabulka dagaallada ka dhanka ah kooxda.

Wararka laga helayo gobolka ayaa sheegaya in Alshabaab ay gudaha u galeen Maxaas, kaddib markii ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay dib uga baxeen magaalada. Waxaa la xaqiijiyay khasaaro dhimasho iyo dhaawac culus oo gaaray labada dhinac, iyadoo xaaladdu ay weli cakiran tahay.

Waxaa sidoo kale la xaqiijiyey in dagaalka uu ku geeriyooday Taliyihii NISA ee magaalada Cadaado, marxuum Maxamed Shidane Afrax iyo ciidamo kale oo la socday, inkasta oo isgaarsiinta goobaha qaar ay go’an tahay, taasoo caqabad ku noqotay helidda faahfaahin buuxda.

Weli wax war rasmi ah kama soo bixin dowladda Federaalka Soomaaliya, balse saraakiil dhanka difaaca ah ayaa xaqiijiyay in khasaaraha uu yahay mid baaxad leh. Qabsashada Maxaas ayaa loo arkaa dhirbaaxo weyn oo kale oo ku dhacday dowladda Soomaaliya, maadaama ay horey kooxda Alshabaab gacanta ugu dhigeen magaalada Moqokori, taasoo ahayd istiraatiiji u dhaxeysay dagaalladii gobolka Hiiraan.

Qabsashada degmada Maxaas ayaa noqoneysa degmada saddexaad ee ay Alshabaab la wareegaan tan iyo bishii Abriil ee sanadkan 2025, kaddib Aadan Yabaal iyo Moqokori, waxayna noqonaysaa sida ay sheegayaan qurada siyaasadda dhabar-jab dhanka amniga iyo siyaasaddeed oo ku yimid dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Hirshabelle.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed