Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay in deegaanadiisu ay wajahayaan xaalad abaar ah oo si daran u saameysay nolosha dadka iyo duunyada, taas oo dhalisay macluul, biyo la’aan, raashin yari, cudurro faafa iyo nafaqo-darro si gaar ah u taabaneysa haweenka iyo carruurta.
Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka maamulka Waqooyi Bari ayaa soo saartay qaylo-dhaan degdeg ah, iyadoo sheegtay in abaaraha haatan socda ay sababeen biyo la’aan baahsan, hoos u dhac ku yimid dalagyadii beeraha, iyo kororka dadka barakacay ee u guuraya meelaha ay ku yaallaan ceelasha biyaha iyo daaqa xoolaha.
War-saxaafadeedka wasaaradda ayaa lagu xusay in xaaladda caafimaad ee bulshada ay sii xumaanayso, maadaama nafaqo-darridu ay sii kordheyso, gaar ahaan carruurta yar-yar iyo haweenka uurka leh ama nuujinaya.
Wasaaradda ayaa ugu baaqday hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah in ay si degdeg ah uga jawaabaan baaqa gurmadka bini’aadantinimo, si loo badbaadiyo nolosha dadka iyo xoolaha.
Sidoo kale, waxaa la ku boorriyay ganacsatada, ururrada bulshada rayidka ah, iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha iyo dibadda in ay ka qeyb qaataan gurmadka iyo dadaallada lagu yareynayo saameynta abaarta.
Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka ee Waqooyi Bari ayaa sheegtay in xaaladdu tahay mid aad u halis ah, isla markaana ay u baahan tahay tallaabo degdeg ah si looga hortago masiibo bani’aadantinimo oo hor leh.
HBN ONLINE TV

