Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo maanta ka qayb galay munaasabadda xuska 82 sano guurada kasoo wareegtay aasaaska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin siyaasadda dalka, la dagaallanka kooxaha xagjirka ah, iyo dadaallada dowladdu wado ee dhanka horumarka, isaga oo dul istaagay shirka mucaaradka ee Kismaayo ka socda.
Madaxweyne Xasan Sheekh, oo ka jawaabayey su’aalo kasoo baxay shirka magaalada Kismaayo uga socda hoggaamiyaasha mucaaradka, oo ay ku jiraan madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland, ayaa sheegay in xubnaha shiraya ay soo bandhigaan ra’yi wax ku ool ah oo dadka loo gudbin karo. Wuxuu carrabaabay in xubnaha mucaaradka ah aan la hayn rabintaankooda marka laga reebo doodahooda diidmo
“Walaalaha magaalada Kismaayo jooga waxan leeyahay hadaad isu timaadeen tashada, si la fahmi karo isu raac, ra’yine la imaada, waa idin kala doodeynaa. Walaalaha waxay diidan yihiin waa naqaan oo maalin walbay sheegaan waxay diidan yihiin, laakiin waxa ay rabaan ma naqaan. Intii waxa ay rabaan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Wuxuu ku dooday:”Wixii ummadda aan ka balanqaadnaa ku taaganahay. Shalay wixii waa samaynaynaa aan dhahnaa, yaan rabnaa inaan sameyno, wax ka saa’ida ma wadano, wax ka naaqisina ma rabno.”
Sidoo kale, Madaxweynaha oo ka hadlay khataraha kooxaha dowladda la dagaalamayso ayaa xusay in Soomaaliya ay tahay dal la tacaalaya kooxaha adduunka ugu dhibka badan, sida Alshabaab oo Al-Qaacida ah iyo Daacish (ISIS). Waxa uu tilmaamay in Soomaaliya ay tahay dal yar oo duruufo adag soo maray, ayna dowladnimada iyo amniga dalka u baahan tahay dadaal iyo iskaashi.
“Argagixadu waa noo gaar, adduunyadu nala ma qabto. Waxaan rabaa dadka Soomaaliyeed inay fahmaan dalkeena iyo duruufihiisa, iyo dagaalka aan kula jirno kooxaha argagixisada ee adduunka ugu qatarsan,” ayuu yiri markale Madaxweyne Xasan.
Tani waxay ku soo aadeysa, iyada oo “Golaha Mustaqbalka”, oo ay ku midaysan yihiin mucaaradka Muqdisho, Puntland & Jubbaland, ay si cad uga soo horjeesteen doorashada qof iyo cod ah oo ay wado Dowladda Federaalka, isla markaana diiday wax ka beddelka dastuurka iyo muddo kororsi loo sameeyo sida ay hadalka u dhigeen Madaxweyne Xasan Sheekh.
Dhanka kale, waxaa si gaar ah isha loogu wada hayaa magaalada Kismaayo, halkaasi oo saacadaha soo socda uu ku soo baxayo war-murtiyeed ku aadan shirka Golaha, kaasi oo ka dhan dowladda Soomaaliya.
HBN Online TV

