Wakiilka QM ee Soomaaliya oo kulan looga hadlay amniga Muqdisho la qaatay Dowladda Soomaaliya

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan, ayaa maanta kulan la yeeshay Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), xili dhaqdhaqaaq siyaasadeed uu magaalada ku soo kordhay.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga caasimadda, xoojinta iskaashiga hay’adaha amniga iyo Qaramada Midoobey, tababarrada ciidanka daraawiishta, dardargelinta wajiga 2-aad ee barnaamijka JPP iyo ka hortagga askareynta carruurta.

Swan ayaa sheegay in Qaramada Midoobey ay sii wadi doonaan taageerada iyo iskaashiga ay la leeyihiin hay’adaha amniga Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha mudnaanta leh sida amniga caasimadda iyo barnaamijyada lagu xoojinayo awoodda hay’adaha amniga.

Dhankiisa, Wasiirka Amniga Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa uga mahadceliyey Qaramada Midoobey taageerada ay siiyaan hay’adaha amniga, isagoo ku adkeystay in loo baahan yahay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta si loo xaqiijiyo guulaha laga gaaray dhinaca amniga.

Kulankan ayaa kusoo beegmay, iyadoo dhamaadka todobaadkii hore uu dhacay khilaaf gacan ka hadal ah oo dhexmaray ciidamo ay wateen siyaasiyiinta mucaaradka iyo kuwa dowladda Soomaaliya, taas oo sare u qaaday xiisadda siyaasadeed iyo dareenka amni ee caasimadda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed