Wafduud isagu jira Xildhibaano, Wasiiro & siyaasiyiin ku sii qulqulaya Laascaanood halkaasi oo lagu wado inuu booqdo Ra’isalwasaaraha Soomaaliya

Magaalada Laascaanood ayaa waxaa maanta si isa soo taraysa u gaaraya wafuud isugu jirta Xildhibaano, Wasiiro, Siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaa oo ka qeyb ah socdaalka lagu wado inuu ku gaaro SSC-Khaatumo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya.

Wafuudan ayaa u socdaalay Laascaanood iyagoo ka qayb qaadanaya diyaar garowga iyo soo dhoweynta Xamsa Cabdi Barre oo la filayo inuu booqasho rasmi ah ku tago magaalada maalmaha soo socda, waxaana uu kulamo la qaadan doonaa madaxda iyo bulshada rayidka.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa la rumeysan yahay inay la xiriirto dadaallada dowladda dhexe ay ku dooneyso xoojinta nabadda, wada hadalka, iyo dib u heshiisiinta gobolka, xilli ay weli jiraan caqabado iyo xaalado siyaasadeed oo ka taagan SSC-Khaatumo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in wafuuda imaaneysa Laascaanood ay qeyb ka yihiin xubno si dhow ugu howlan arrimaha nabadda, siyaasiiyiin deegaanka ah iyo xoojinta wada-shaqeynta dowladda Federaalka iyo bulshada deegaanka.

Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay magaalada gaaraan xubno kale oo dheeraad ah, si ay uga qeyb galaan kulamada iyo shirarka la xiriira booqashada Ra’iisul Wasaaraha.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed