Wafdiga qaban qaabada soo dhaweynta Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo ka degay magaalada Laasacaanood ee Gobolka Sool

Wafdi hordhac u ah safarka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo ka kooban labada gole ee dowladda iyo ciidamo amniga sugaya maanta ayaa gaaray magaalada Laascaanood, Waxaana ay kala hadli doonaan madaxda SSC-Khaatumo qaabka soo dhaweynta.

Xubnaha ka degay magaalada ayaa la filayaa in ay diyaarinayaan maamuuska iyo qabanqaabada booqashada Ra’iisul Wasaare Xamse oo horay u sheegay in safarkiisa Laasacanood uu ka qeyb qaadan doono Mideynta dalka.

Sidoo kale, ilo madaxbanaan oo soo tabiyey qaabka ay u socoto dhaweynta ayaa sheegay in shanta xaafadood ee magaaladu ay ka kooban tahay lagu dhajiyey boorar lagu xardhay sawirada Ra’iisal Wasaaraha, iyada oo dhanka kale, muuqaalo laga helay ay muujinaya dad wada boorar muujinaya sawirada Xamsa Cabdi Barre.

Geesta waxaa si aad ah loo adkeeyey amniga magaalada Laasacaanood, waxaa la soo sheegaya in baraha laga soo magaalada lagu arkay Ciidamo wada baaritaano dheeraad ah iyo hubinta gaadiidka

Ra’iisul wasaaraha markuu tago Laascaanood, wuxuu kulamo la yeelan doona Mas’uuliyiinta iyo Shacabka SSC Khaatumo, isagoo safarkiisa uu noqonayo masuulkii ugu sareeyey Dowladda Soomaaliya ee taga SSC-Khaatumo tan iyo sidii ay u heleen aqoonsigooda ku meelgaarka ah.

Safarka Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa diidmo ka muujiyay Somaliland oo sheegay in deegaannada SSC Khaatumo ay iyagu maamulaan sida ay dalka u dhigeen oo hoostagaan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed