Wafdi sare ah oo ka socda dalka Turkiga, uuna hoggaaminayo Wasiir-ku-xigeenka Gaadiidka iyo Kaabeyaasha Dhaqaalaha, Durmuş Ünüvar, ayaa gaaray Dekedda Muqdisho si ay u bilaabaan weji cusub oo iskaashi laba-dhinac ah oo diiradda saaraya kaabeyaasha muhiimka ah ee badda.
Booqashadan ayaa ujeeddadeedu tahay dardargelinta mashaariicda horumarinta wadajirka ah iyo xoojinta iskaashiga istaraatiijiyadeed ee dhaqaale ee u dhexeeya labada dal.
Sida ay qortay wakaalada wararka ee Soomaaliya Sonna Wafdiga Turkiga ayaa si habraac diblomaasiyadeed oo buuxa loogu U soo dhaweeyey mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaas oo ay ka mid yihiin Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Federaalka, Maxamed Cabdulqaadir Dhucle, iyo Agaasimaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Safiir Maxamed Cali Nuur “Americo.”
Guddiga soo dhaweynta ayaa sidoo kale ka mid ahaa agaasimayaal ku-xigeenno ka tirsan maamulka dekedda iyo mas’uuliyiin sare oo amniga ah.
HBN ONLINE TV

