Wafdi sare oo ka socda DFS iyo Maamulka Waqooyi Bari oo maanta tagay aag u dhow Somaliland, fariin culusna ka diray

Masuuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Waqooyi Bari ayaa maanta booqasho ku tagay aag u dhow Somaliland, gaar ahaan deegaanka Guumays, halkaas oo ay ku sugan yihiin cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidamada Daraawiishta Waqooyi Bari.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo kormeeray xaaladda iyo diyaargarowga amni ee ciidamada ayaa sheegay in lagu wado in halkaasi ay tagaan masuuliyiinta ugu sarreysa dalka, isla markaana carrabka ku adkeeyay in ciidamada gobollada oo dhan laga dhigi doono kuwo Qaran.

Intii uu booqashada ku guda jiray, Wasiir Fiqi ayaa ciidamada kula dardaarmay adkaynta nabadda, ilaalinta midnimada iyo wadajirka dalka, iyo ka hortagga wax uu ugu yeeray  “aragelin kasta oo shisheeye” oo uu ku tilmaamay mid lagu doonayo kala-goynta Soomaaliya, isagoo xusay muhiimadda feejignaanta amni iyo difaaca qaranka.

Booqashada waxaa sidoo kale ka qeyb galay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari, Cabdulqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye), iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo salaan sharaf ka qaatay ciidamada, kormeerayna gaadiidka dagaalka, isla markaana bogaadiyay doorka ciidamada ee sugidda amniga iyo difaaca dalka.

Fiqi ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, uu booqan doono goobaha ay ciidamada ku sugan yihiin, isagoo tilmaamay in safarkaasi noqon doono mid taariikhi ah, kana qeyb qaadan doona xoojinta wada-shaqeynta ciidamada iyo qiimeynta amniga deegaannada xuduudaha.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed