Wafdi culus oo ka socda Itoobiya oo tagey Haregysa maxayse tahay ujeedada safarkooda?

Waxaa Allaha u naxariisto’e maanta xabaalaha Baqiic ee duleedka Waqooyi ee magaalada Hargeysa loogu sameeyey aas madaxweynihii Afraad ee Somaliland, marxuum Axmed Siilaanyo oo dhawaan geeriyooday jimcihii geeriyooday.

Aaska Qaran ee loo sameeyey madaxweyne hore ayaa waxaa ka qeybgalay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, shir guddoonka goleyaasha wakiillada iyo guurtida, xildhibaanno, wasiirro, wufuud ka socotay Itoobiya iyo dalalka deriska.

Sidoo kale waxaa ka qeyb-galay aaska madaxda axsaabta Somaliland, siyaasiyiin, haldoor, culimo iyo dadweyne aad u tiro badan oo isaga kala yimi daafaha dunida iyo dalka gudihiisa, iyada oo halkaas laga jeediyey hadallo loogu ducaynayo marxuumka, laguna sharraxayo sifooyinkii wanaagsanaa ee uu lahaa iyo waxqabadkii ballaadhnaa ee Somaliland ka hirgeliyey muddadii uu hoggaaminayey.

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ra’iisal wasaare ku xigeenka Itoobiya Aadan Faarax iyo madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumad Cumar Cagjar ayaa ka qabgalay aska qaran ee madaxweyne hore ee Somaliland, waxana ay ku sifeeyey siyaasi iyo cabqari weyn oo geeska Afrika ka baxay.

War ka soo baxay Xuukuumadda Somaliland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu qaabiley Wafdi sare oo ka socday Itoobiya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed