Wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa maanta xiran, iyadoo dowladda Soomaaliya ay qabatay munaasabado lagu xusayay sanadguuradii ka soo wareegatay markii Koonfurta Soomaaliya ay xornimada ka qaateen gumeystihii Talyaaniga. Munaasabadan oo ah mid taariikhi ah oo sanad walba la xuso 1-da Luulyo, ayaa waxay keentay in la adkeeyo ammaanka, isla-markaana la xadiday gaadiidka magaalada oo dhan.
Inta badan wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ayaa maanta xiran. Xiritaankaan ayaa waxaa uu ahaa mid lagu fududaynayo Munaasabad ka socoto Taalada Daljirka Mason ee Degmada Boondheere oo ah goob Astaan u ah Xuska maalintaan qiimaha weyn ku leh Taariikhda Soomaaliya.
Gelitaanka nawaaxiga Daljirka ayaa intiisa badan waxa ay aheyd mid xadidan oo kaliya dadka lugeynaya, iyadoo ciidamada kala duwan ee dowladda ay sameeyeen dhoolatus iyo feejignaan guud ahaan goobtaasi.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyb galaya munasabadaan Daljirka Mason, iyagoo ka qeyb galaya xuska munaasabada taariikhiga ah. Munaasabadan ayaa muujineysa xuska wadajirka ah iyo dabaaldegga midnimada, adkeysiga, iyo geeddi-socodka gobonimada qaran.
Guud ahaan dalka Soomaaliya ayaa waxaa laga soo abaabulay munaasabado lagu xusayo maalintan oo ka tarjumaysa qiimo weyn ee ay maalintani ku leedahay dhaqanka iyo taariikhda Soomaaliyeed. Xaflado iyo isu-soo-baxyo lagu maamuusayo naf-huridkii iyo waxqabadkii jiilalkii hore, ayaa kulmisay bulshooyinka dalka oo dhan.
HBN NEWS DESK